Faysal Rooble: Mustaqbalka Magaalooyinka Soomaaliyeed
Madasha May Fakaraan ayaa kulankeedii 14-aad ku casuntay Faysal Cabdi Rooble oo ah magaalo-qaabeeye muddo badan ka shaynayay arrimaha qorshaynta magaalooyinka. Faysal waxa uu ku dhashay Jigjiga, waxa uuna waxbarashadiisa ka kala qaatay Muqdisho iyo Hargaysa, waxa uuna muddo ka shaqeeyay Qardho, kaddibna waxa uu u wareegay Los Angles oo uu ka noqday qorsheeye iyo qaabeeye dejiyada siyaasadda magaalada. Kulankan ayaa xoogga lagu saaray aqoonta Faysal ee ku aadan qorshaynta magaalooyinka, taas oo lagu salaynayo magaalooyinka Soomaaliyeed.
Bilowga kulankan waxa uu Faysal si kooban uga waramay xilligii korriinkiisa iyo jabhadayntiisii Jigjiga. Waxa uu xusay sida ay qoyskiisu u ahaayeen qoys kacdoon oo wax badan qayb uga ahaa dagaalladii gobanimada, wadaniyadda iyo diinta. Waxa uuna tibaaxay sida ay hab fikirkiisa u qaabayeen kacdoonadaasi. Sidoo kale, waxa uu taariikhayn kooban ku sameeyay aasaaska magaalada Jigjiga oo ah meesha uu ku soo koray, maadaama uu kulanku taabanayay qorshaynta magaalooyinka Soomaaliyeed. Inaa kaddib waxa uu hore u galay Faysal ka taariikhaynta yagleelidda magaalooyinka Soomaaliyeed iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen, waxa uuna u kala saaray saddex marxaladood ama wejiyood oo kala danbeeyay. Wejiga koowaad, waa magaalooyinkii aasaasmay wixii ka horreeyay diinta Masiixiga (BC), waxa uuna xusay in xadaarooyinkii magaalowga ee xilliyadaa uu ku xooganaa dhulka hadda loo yaqaano Buntilaan, isaga oo xiganaya waxa ay ka qoreen rag badan oo taariikhyahano ah, carabaabayana buug uu ka mid yahay The Periplus Of The Erythraean Sea. Wejiga labaad, waxa uu ku tilmaamay waqtigii diinta Islaamku soo shaacbaxday, isaga oo xusaya in dadka qaa weriyaan in diinu Soomaalida ku fidday iyada oo aanay qarni gaarin, waxa uuna sheegayaa in wejigan uu magaalowgu ku badnaa koonfurta dalka, isaga oo carabka ku dhufanaya magaalooyinka Muqdisho, Marka iyo Baraawe oo ah meelaha uu Islaamku xoogga uga soo galayay. Waxa weheliya oo uu raacinayaa Raas-xaafuun, Berbera, Harar iyo Saylac. Wejiga saddexaad, waxa uu ku sheegay Magaalooyinka Guumaystaha (Colonial Cities) oo ah badi magaalooyinka waa weyn ee ay hadda Soomaalidu lee dahay, waana magaalooyinkii ay ka shaqayn jireen nimaadyadii guumaystuhu.
Ubucda kulanku maadaama uu ahaa qorshaynta magaalooyinka, waxa uu Faysal ka sameeyay sharaxaad kooban. Waxa uu qorshaynta u qaybiyay laba qaybood oo kala ah; physical and social. Tan hore, waa sida dhismaha iyo jidadku isu qaataan, halka kan kalena uu yahay daryeelka bulsahda laga dhex dhisayo dhismaha iyo jidadkaas. Waxa uuna carabka ku adkaynayaa in aan magaalo loo samayn karin qorshayn, haddii aanay jirin xog (data and information). Waxa uuna tusaale u soo qaatay muhiimadda ay lee dahay xoga ku gedaaman guryaha, taas oo ay sal u tahay in la ogaado tirada dadka ee ku nool magaalada iyo noocyada ay kala yihiin, lana xuso waxa ay u baahan karaan muddada soo socota, shan illaa soddon sanno, ujeedka u weynna uu yahay in laga sii baaraandago, si aan magaalooyinku u noqon kuwo xalliya xaaladaha degdega ah oo kaliya.
Waxa kale oo uu Faysal si faahfaahsan uga jawaabay su’aal ku aadan in aanay magaalooyinka Soomaaliyeed lahayd adeegyada bulaacadaha, biyamareennada iyo maaraynta qashinka, iyo sida loo hirgalin karo. Faysal oo ka jawaabaya ayaa xusay in aanay muhiimadda koowaad ahayn in intaa la helo, ayna yihiin qaarkood wax ku cusub dunida, qaalina ah. Waxaase muhiim ah oo uu sheegay in ay jiraan aasaaskii oo uu ugu horreeyo booliis, dabdamis iyo xafiisyo degmo, intaa ka bacdina la yagleeli karo waaxyo kala duwan oo ka talo bixin kara ama amri kara qorshaynta magaalada. Waxa uuna warbixin guud ka bixiyay sida ay u shaqeeyay adeegyadaa aan xusnay iyo waaxyada muhiimka ah ee dawladaha hoose kuwaas oo ay saxiixyo kala duwan ka qaataan dadka doonaya in ay dhismayaak cusub ku soo kordhiyaan magaalooyinka. Intaa waxa uu ku daray in waaxda amnigu (booliska, dabdamiska iyo structural engeneering) ay tahay midda ugu muhiimsan ee ay xoogga saaraan magaalooyinku. Waxa kale ee uu ka hadlay barnaamijyada cagaaraynta, isaga oo xusay muhiimadda ay dhirtu u lee dahay deegaanka. Waxa uu cagaaraynta u kala saaray laba qaab oo kala ah, mid kaambayn hal mar ah oo cid dhiirigalin haysata hal mar samayso iyo mid ah mashruuc waaraya oo si joogta ah loo sameeyo cagaaraynta. Kan danbe ayuu ku tilmaamay in ay tahay midda ugu muhiimsan ee waxtarka danbe leh, maadaama joogtaynu muhiim tahay, waxtarna lee dahay, waxa uuna ka bixiyay sharaxaad ballaaran.
Waxa kale oo wax laga waydiiyay sida magaalooyinka Soomaaliyeed oo hadda u badan in qabiil walba magaalo gooniya dego loogu bedeli lahaa magaalooyin ay degaan bulshooyin iyo dadyow kala duwan. Waxa uu kaga warceliyay Faysal taariikhayn uu ku sameeyay magaalooyinkii hore ee Soomaalida oo ay u horrayso Muqdisho, ayna degi jireen dadyow kala duwan dhaqan iyo qoomiyadba. Waxa uuna tilmaamay in magaalooyinku ay lee yihiin wax dadka soo jiita iyo wax dadka riixa, tusaale ahaanna in dagaalladii sokeeye ee magaalooyinka Soomaaliya ka dhacay ay ahaayeen waxa dadka badankood riixay, halka dhaqaalaha, shaqada iyo fursaduhu ay yihiin waxa dadka ku soo jiida magaalo. Xalka in la helo magaalo ay Soomaalidu wada degto dad kale la degi karo waxa uu ku tilmaamay in ay tahay in la helo hoggaan wanaagsan, si la mid ah in qorshayn magaalo oo fiican la helo ay ku xiran tahay in la helo hoggaan wanaagsan. Waxyaabha kale ee dadka soo jiidan kara waxaa ka mid ah in magaalooyinka laga saaro reer in uu lee yahay ama uu yahay goof gaar ah, ayna qayb ka tahay in laga fekero sidii dhulka loo fududayn lahaa, cidda maalgashanaysa ama imanaysa magaalooyinkana loo sameeyo adeegyo yar-yar oo jeclaysiin kara magaalada, waxa uuna ka xusay barnaamijyada kookooban oo ay ka mid yihiin bandhigyada buugata, shirarka nabadda iwm, kuwaas oo lagu tuujinayo maskaxda laguna helayo fikrado cusub.
W/Q: Axmed Sanwilwilo







